XOG:- Fu’aad Shobgole oo dawladda Federaalka Soomaaliya isu soo dhiibaya.

0

Wararka maanta naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal Shabaab Fu’aad Shongole uu doonayo inuu isku dhiibo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib wadahadal hoose oo lala leeyahay.

Warkan aan ka heleyno ilo wareedyadeena sida aadka ah ugu dhaw dhaw xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Shongole aqbalay inuu la hadlo dowladda Soomaaliya, islamarkaana loo madalsan yahay arrimo badan.

Beesha uu kasoo jeedo Shongole ayaa la sheegayaa in saraakiil iyo madax iyaga ah oo ka tirsan DFS ay ku dedaalayaan in sarkaalkan uu si nabad ah ku yimaado Muqdisho.

DFS ayaa marka hore laga doonayaa in Maraykanka ay kala hadasho sidii liiska argagaxisada la raadinayo looga saari lahaa Shongole oo muddo badan aan la maqal.

Dhinaca kale In Shongole aqbalo wada hadal ayaa sabab u ah kadib markii ay isku dhaceen dhowaan isaga iyo saraakiil kale oo kooxda Al-shabaab ah.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqaneysa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaareyso guulo waa weyn kadib markii ay saraakiil sar sare oo magac iyo maamuus ku leh Al shabaab qaarkoood isu soo dhiibayaan halka qaar kalena ay wadahadallo qabow u wada socdaan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media