XOG:- Lataliyihii Ammaanka Qaranka Ee Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii laga qaaday.

0

Wararka maanta laga helayo ilo wareedyadeena u dhuun daloola Villa Soomaaliya Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo shaqada ka eriyay Latalihii amaanka Madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye).

Warkan an ka heleyno Ilo wareedkeena ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in la diyaariyay warqadii lagu cadeynayay in xilka laga qaaday La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye).

Dhinaca kale xarunta Villa Soomaaliya ayaa bilihii Madaxweyne Farmaajo uu joogay waxaa marba marka ka dambeysa ka socday xil magacabis iyo xil ka qaadis, waxaan la ogeyn inay taasi saameyn ku yeelatay Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) iyo in kale.

Isku soo wada duuboo Wax Faahfaahin ah lagama bixin sababta xilka looga qaaday, waxaana la soo sheegaya in Madaxweynuhu calaamaystay qof kale oo aqoon fara badan u leh arrimaha ciidamada iyo amaanka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media