XOG RASMI AH:- Dowladda Sacuudiga Oo Hakisay Dhaqaale Ay U Balan Qaaday Soomaaliya

0

Warar soo baxaya oo aan helnay ayaa waxa ay sheegaayn in dowaldda Sacuudga ay hakisay dhaqalo ay horay u balaan qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed cabdullaahi(Farmaajo)

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salaan Bin Cabdul Casiis ayaa la sheegay in uu hakiyay dhaqaalahaas sababo la xiriira go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya e dhexdhexaadka ahaa khilaafka u dhaxeeyo Wadamada Khaliijka.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in lacagtaan oo dhan 50 milyan uu horay u amray in la siiyo Soomaaliya Boqor Salmaan balse hada uu markale shaaciyay in dib loogu celiyo Bankiga dalkaasi Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dowladda Sacuudiga ay dib ula laabatay qorshooyin Mashaariic horumarineed looga fulin lahaa dalka Soomaaliya taas oo Soomaaliya horay u balan qaaday sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga.

Sikastaba Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka Wadaamda Khaliijka iyadoona dowladda Sacuudiga ku cadaadineysa Soomaaliya in ay dahnkeeda soo raacdo balse taasi ay diiden Madaxda dowladda Soomaaliya.