Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa digniin u diray dadka mushaarka ka qaata hey’adaha dowladda ee ku diiwaan gishan inay shaqaale yihiin, balse aanay soo xaadirin shaqooyinkooda.
Dr. Beyle ayaa sheegay inay soo ogaadaan dad mushaarka ka qaata, balse aanay aheyn shaqaale dowladda ka tirsan, kuwaasoo uu xusay inay qoreen rag siyaasiyiin ah sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa soo ogaanay kuwa meelo kale ka shaqeeya, ee mushaarka dowladda qaata, kuwa dibadaha jooga ee mushaarka qaata, kuwo suuqa bakaaraha iska fadhiya oo mushaar qaata, oo aan soo xaadirin shaqada”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadkaas ay fursad siinayaan illaa dhamaadka bishan July, cidii soo xaadiri weyda shaqadeeda mushaarka laga jari doono.
“Waxaa siineynaa fursadii u dambeysay oo ah illaa dhamaadka bisha July, dadka lacagaha sida ceyrta oo kale u qaata ee shaqooyinka aan imaan waxaa laga jarayaa lacagaha ay sida xaqdarada u qaataan”ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ay gaarayaan illaa 5kun oo ruux, kuwaasoo uu xusay inay jiraan dad dibadaha jira oo Akoonadooda Bankiga ugu dhacda mushaarka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowana walaac ka muujiyay boqolaal qof oo ku jira liiska shaqaalaha dowladda, kuwaasoo shaqooyin kale qabsada, isla markaana aanay dowladda u shaqeyn, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo mushaarka ka qaata.