Taliyaha ciidamada dalka Faransiiska Gen Pierre de Villiers ayaa is casilay kadib markii ay iskhilaafeen Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska Emmanuel Macron.
Taliyaha ciidamada Faransiiska ayaa sheegay maadaama uusan damaanad qaadi karin ciidamada dalkiisa ay qasabtay inuu is casilo. Dowlada Faransiiska ayaa toddobaadkii hore ku dhowaaqday inay dhimayso dhaqaalaha ku baxa ciidamada si miisaaniyada dalka Faransiiska uu u noqdo mid la jaanqaada heerka wadamada Midowga Yurub.
Madaxweyne Macron ayaa sheegay inuusan u dulqaadanayn in ay qorshahiisa ka soo horjeestaan ciidamada.
Wareysi uu dhowaan siiyay Mr Macron wargeyska Le Journal du Dimanche ayuu ku yiri: “Haddii taliyaha iyo Madaxweynaha ay isku khilaafaan waa inuu taliyaha ciidamada iska tagaa.”
Balse waxa uu sii raaciyay Madaxweyne Macron in uu aaminka ku qabo taliyaha ciidamada maadaama uu garanayo silsilada kala dambeynta iyo sida ay u shaqeyso.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in laga yaabo inuu bedelo taliyaha ciidamada Faransiiska ee is casilay Gen François Lecointre, Agence France-Presse.
Gen de Villiers, oo ah 60 sano jir ayaa waxa uu ka carooday dhimista miisaaniyada Milatariga dalka Faransiiska oo gaareysa €850m ($975m; £752m) sanadkan 2017.