AKHRISO DASTUURKA:- Golaha Shacabka Awood Uma Laha Laalidda Go’aan Maxkamadeed.

0

Golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay qaraar ka dhan ah g’aankii maxkamadda sare ee dalka ay gaartay May 16, 2017-ka kaas oo ahaa in lagu celiyo  doorashada 8 kursi oo lagu muran sanaa, arrintaas oo sida dastuurka ku qoran dhalin doonta muran dastuuri ah.

8dda Kursi Ee ay Maxkamadda Laashay Waa Kuraasta:

Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

Maxamed Saciid Cabdullahi

Maxamed Axmed Abdtidoon

Nadif Aadan Isaaq

Muna Khalif Sheekh Abu

Cabdicasis Salax Carmaan

Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

Samra Ibrahim Cumar

Hadaba, go’aanka golaha shacabka ee ahh in natiijada doorashada 275-ta 2016-ka ay xalaal iyo kama dambeys tahay, isla markaana aan dib loogu celin doonin, waxaa ay su’aalo ka keeneysaa isku milanka awoodaha dowladda iyo in isku dhacaan hey’adaha dowladda.

Sida ku qoran qodobka 106aad ee Dastuurka, golaha shacabka awood uma laha in ay meesha ka saaraan go’aan maxkamadeed, arrintan cusub waxaa ay abuuri kartaa muran dastuuri ah oo u dhaxeeya awoodda sharci dejinta iyo awoodda garsoorka oo ah labo hey’ad oo kala madaxbanaan.

Qodobka 106aad. Madaxbannaanida Garsoorka

(1)         Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.

(2)         Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorennimo.

(3)         Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.