TOP NEWS:- Al-Shabaab oo dagaal adag la galay Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Mareykanka ee ku sugan Jubooyinka

0

Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab, ayaa fashiliyay weerar kaga soo wajahnaa Ciidamada Jubbaland, Amisom iyo ciidan caddaan ahaa, oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ciidamada Mareykanka ka joogga Somaliya.

Ciidamadan oo ka dhaqaaqay Magaalada Kismaayo, kuna wajahnaa Deegaanka Yoontooy oo 20km u jirta Kismaayo, ayaa waxaa qaraxyo lagula beegsaday Yoontooy, xilli ay ku raadjooggen Shabaabka.

Gaari Cabdi Bille ahaa oo ay la socdeen Ciidamada Jubbaland, ayaa lala beegsaday qarax lagu diyaariyay deegaankaasi, iyadoona ay waxyeelo ka soo gaartay in ka badan toban askari oo gaarigaasi la socotay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qaraxaasi ay ku dhimatay ugu yaraan toddobo askari.

Qaraxa labaad, ayaa waxaa daqiiqado ka dib lala eegtay gaari kale oo Prada ahaa, oo ay la socdeen ciidan kaloo kuwa Jubbaland ka tirsan, waxaana markale ka soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada Isbahaysiga, ayaa qaraxyadaasi ka dib ku khasbanaaday inay joojiyan hawlgalkaasi, mana jirin dagaal toos ahaa, oo ay kala kulmeen mintidiinta Al Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xajiijiyay in gelinkii dambe ee shalay ay ciidamadaasi dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo, oo markii horeba ay ka ruqaansadeen.

Ciidamada iska kaashanaya dagaalka lagula jiro argagixisada Somaliya, ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay kordhiyay beegsiga lagu hayo xarumaha, ay argagixisadu ku leedahay Koonfurta Somaliya.