DHAGEYSO:- Axmed Cali Daahir “ Baarlamaanka waa in ay dhaqan geliyaan go’aanka Maxkamada Sare, dibna ay doorasho Xalaal ah u geliyaan Kuraasta la celiyay”..

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aankii ka soo baxay Maxkamada Sare ee ahaa dib doorasho loogu celiyo 8 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in aan la dhaqan gelin oo aan la dhageysan go’aanada Muhiimka ah ee ka soo baxa Maxkamada Sare ee Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay Maxkamada ee Cadaalad darada iyo Musuqa ku soo baxay.

“ Waxaan taageeraya go’aanka Maxkamada Sare ka soo baxay anaga ma dooneyno in aan u kala safano Xildhibaanada Baarlamaanka balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo Cadaalada oo dib doorasho Xalaal ah loogu  celiyo Kuraasta aan saxneyn ee Baarlamaanka ku jira ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka”.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka laga doonayo hada in ay si shuruud la’aan ah ku fuliyaan go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Dalka isla markaana ay sharciga ilaaliyaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-