DHAGEYSO:- Cabdi Xaashi “ Suurta gal ma ahan in Xukuumada iyo Baarlamaanka ay ka Miisaaniyad bataan Hay’addaha Garsoorka, Waana dambi weyn”..

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in Hay’addaha Garsoorka Miisaaniyada ay Dowladda ku leeyihiin aad u yaraato.

Waxa uu sheegay in Hay’addaha Garsoorka ay la mid yihiin Hay’addaha kale ee dowladda gaar ahaan Xukuumada iyo Baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay in aysan suurta gal ahayn in Miisaaniyad yar loo qoondeeyo Hay’addaha Garsoorka Dalka isla markaana aysan la xuquuq noqon Xukuumada iyo Baarlamaanka.

“ Aniga waxaan qabaa in Miisaaniyada hada loo gudbiyay Baarlamaanka in lagu noqdo oo la saxo Maadaama Hay’addaha Garsoorka ay ka Miisaaniyad yar yihiin Hay’addaha kale ee dowladda arrintaasi waa qalad saxna ma ahan ayuu yirin Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-