TOP NEWS:- Cabsi soo wajahday Saraakiisha Sare ee Al-Shabaab iyo Khilaaf soo kala dhex galay

0

Cabsi xooggan ayaa soo wajahday Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku sugan Gobolada Koonfureed ee Somaliya, kadib markii ay kordheen Duqeynta diyaaradaha ee lagu bartilmaameedsanaayo Saraakiisha Ururka Al Shabaab.

Bishan gudaheeda waxaa dhacday Duqeyn kala duwan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo qaarkood ay leeyihiin Dowladda Mareykanka, waxaana lagu bartilmaameedsaday Saraakiil ka tirsanaa Shabaab.

Habeenkii Khamiista todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa waxaa duqeyn lagu bartilmaaameedsaday Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kuunya Barow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii ciidamo ajaanib ah iyo kuwa Somali ah ay beegsadeen.

Sidoo kale isla Bishan gudaheeda ayaa waxaa duqeyn lagu bartilmaameedsaday Sarkaal Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo la sheegay inuu madax u ahaa ciidamada Shabaab ee Buuraha Galgala ku jira, waxaana duqeynta ay ka dhacday isla Gobolka Shabellaha hoose.

Ilo Wareedyo lagu Kalsoonsan yahay ayaa sheegay madaxda Shabaab inay soo food saartay cabsi xoogan oo ku aadan in lagu duqeeyo deeganada ay joogaan, waxaana taasi ay dhalisay in habeen waliba Saraakiisha Shabaab ay seexdaan meelo kala duwan.

Magaalooyinka waa weyn ee Shabaab ay gacanta ku hayaan sida Jilib, Jamaame iyo Magaalooyinka kale, ayaa habeenkii markii ay galayaan gaadiidka Shabaabka, gabi ahaanba waxaa la damiyaa nalalka, oo gaariga waxaa lagu hagaa toosh, si nalka gaariga aysan diyaaradaha dagaalka u soo raacin oo loo bartilmaameedsan.

Sidoo kale madaxda Shabaab ayaa si aad ah isaga ilaaliya taleefanooda, oo meelaha qaar ay tagaan waxa ay kala saaraan moobeelka iyo Simcard ay ku isticmaalaan, maadaama xilliyada qaar duqeymaha la fuliyo moobeelka lagu hago.

Walaacan xoogan ee Saraakiisha Shabaabka soo food saaray ayaa ah kii ugu xooganaa, waxaana sidoo kale jirto shaki xoogan oo ka dhex jira Ururka Al Shabaab dhexdooda, maadaama ay jiraan shaqsiyaad kala duwan oo dhanka dowladda u soo baxsaday, kuwa kalena laga cabsi qabo inay u baxsadaan dhanka dowladda.