Cali Guudlaawe oo War ka soo saaray Colaada ka taagan Degmada Cadale

0

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya deegaano ka tirsan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe inay xal kama dambeys ka gaaraan colaada u dhaxeysa oo muddooyinkii u dambeeyay soo noq-noqotay.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xilligan ay soo laabtaan colaad u dhaxeysa labo beelo walaalo ah, waxaana uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uu gogol dib u heshiisiin u fidinayo beelahaas

“Waxaan aad uga xunahay dagaalada soo laab-laabtay ee ka jira deegaanada ka tirsan degmada Cadale, waxaa uu Maamulka Hirshabeelle wadaa dadaal uu ku soo afjarayo colaadaas iyo in aanay dib dambe u soo laaban”ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uu diyaarianayo gogol loo dhigayo beelaha walaalaha ah, isla markaana ay rajeynayaan in waxgaradka, odayaasha, culumaa’udiinka, haweenka labada dhinac ay ka soo qeyb galaan, si loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Ciidamo uu hoggaaminayo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Jen, Caanood ayaa ku baxay deegaanada ay colaada ka jiraan, waxaana ay kala dhex dhigeen ciidamo milateri ah maleeshiyaadkii dagaalamayay.

Xaalad deganaansho ayaa laga dareemayaa deegaano u dhaxeeya Koogaar iyo Xaaji Cali oo ka tirsan degmada Cadale, halkaasoo maalmo ka hor ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Beelaha Cabdalla Carooni iyo Celi Cumar.