TOP NEWS:-Ciidamo dhibaato u geysanaayay dad Shacab ah oo gacanta lagu soo dhigay iyo amarkii Farmaajo oo lagu fulinayo

0

Laba nin oo hubeysnaa, ayaa waxaa lagu qabtay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo loo gudbiyay Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Weyne.

Raggan oo ku labisnaa tuutaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa la sheegay in gacanta lagu soo dhigay, iyagoo falal dhac ahi ka wada xaafadaha degmadaasi.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Weyne, Xasan Duulane Xersi, ayaa sheegay in labadaasi nin la soo qabtay, iyagoo wata moobeelo iyo dahab ay soo dhaceen.

Taliyaha ayaa raggaasi ku eedeeyay in dumarka deegaanka ay ka furteen dahabka, lana soo qabtay, iyagoo damacsanaa in dad kale ay furtaan.

Taliyaha, ayaa intaa ku daray in mid ka mid ah labada nin ee la soo qabtay uu ka tirsan yahay Ciidanka Militariga, halka midka kalana oo rayid ahaa uu ku wehlinayay inay dadka furtaan, sida uu yiri.

Xasan Duulane Xersi, ayaa xusay in labadaasi nin lagu xiray Saldhiga Degmada Xamar Weyne, ayna ku wareejin doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyaga iyo cadaymihii lagu soo qabtayba.

Duulane, ayaa ku goodiyay in cid kastaa dhac ka gaysata Degmadaasi Xamar Weyne, ay sidaan oo kale gacanta ugu soo dhigi doonaan, isla-markaana ay horgayn doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida uu yiri.