DEG DEG+DAAWO: Ciidamo aad u badan oo soo gaaray Muqdisho

0

Ciidamo ka socda dalka Uganda oo ka tirsan ciidanka AMISOM, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, kadib markii ay baxeen ciidan kale oo ka tirsan isla AMISOM.

Ciidanka baxay oo ka tirsanaa Kooxda 19-aad ee ciidanka AMISOM ayaa ka hawlgalaayay Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan Magaalada Marka, sida uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Uganda ee hawlgalka Amisom ka tirsan.

Ciidankaan cusub ee yimid, ayaa ku biiraya Kooxda 22-aad ee ciidamada AMISOM, waxaana ay ka hawlgeli doonaan Gobolka Shabellaha hoose, sida Saraakiisha Amisom ay xaqiijiyeen.

Brigadier Muhanga oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada AMISOM, ayaa sheegay ciidankaan cusub in lagu bedelay ciidan ka tirsanaa Kooxda 19-aad ee ciidamada AMISOM, kadib markii hal sano ay joogeen Somaliya.

AMISOM ayaa ku shaqeysa nadaamka ah ciidanka haddii ay joogaan Somaliya muddo hal sano ah in isbedel lagu sameeyo, dalkoodana ay dib ugu laabtaan.

“Waxaan ka rajeynaynaa Kooxdaan cusub inay ka fiicnaan doonaan kuwii hore oo ay ka shaqeyan doonaan ammaanka, horumarin doonaan amniga dad badan oo muhiim ah, sidoo kalena ay la dagaalami doonaan Al Shabaab, ayna caawin doonaan ciidamada dowladda.” Ayuu yiri Brig. Muhanga oo Amisom ka tirsan

Ciidanka Uganda ayaa waxa ay qayb ka yihiin ciidamo ka kala socda dalalka Burundi, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.