DHACDO LAYAAB LEH: Shabaab oo soo bandhigay askari ilaalo u ahaa Xildhibaan Caan ah

0

Ururka Al Shabaab, ayaa Deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ku soo bandhigay askari ay sheegeen inuu ilaalo u ahaa Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Askarigan oo magaciisa ku sheegay Shahaad Maxamed Axmed, ayaa sida uu sheegay waxaa uu ka tagey Magaalada Muqdisho, isla-markaana uu si iskiis ah isugu dhiibay Ururka Al Shabaab.

Munaasabad lagu qabtay Maxkamadda Shabaabka ee Deegaanka Galhareeri, ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil Ururka Al Shabaab ka tirsan iyo xubno ka tirsan qoyska ninkaasi, oo uu ugu horeeyo aabaha dhalay.

Arrinta layaabka leh, ayaa waxay tahay iyadoo askarigaasi uu aqbalay in loo qabto Towxiidka, isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay in safka Muslimiinta uu dib ugu soo laabto.

Wuxuu sheegay in Alle uu kaga mahadcelinayo inuu la jooggo Ururka Al Shabaab, isla-markaana uu Alle dartii u towbad keenay, ayna uga dhigan tahay guul uu gaaray.

Isagoo la hadlayay Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha, ayaa wuxuu sheegay in shalay oo Muqdisho uu joogay iyo maanta oo uu Galhareeri jooggo, uu ka shakhsi ahaan u kala duwan tahay.

Shahaad Maxamed, ayaa ku faanay in maanta uu farxad ku jooggo dhulka Shabaab, bedelkii uu xaalad baqdin ahi ku noollaa, intii uu joogay Magaalada Muqdisho.

Shahaad, ayaa Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ugu baaqay inuu Alle u towbad keeno, isla-markaana uu isu soo dhiibo maleeshiyada mayalka adag ee Al Shabaab, haddii uu towbadaasi diidana uu gacanta Shabaabka ku bixi doono.