DHAGEYSO:- Daacish oo ku dhawaaqday hoggaamiyahooda cusub kadib dilkii Abuubakar Al-Baqdaadi

0

Kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa shaacisay geerida Hoggaamiyihii kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi,waxaana ay ku dhawaaqday qofka ay ku beddeleen.

War ka soo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in hoggaamiyihii Kooxda lagu dilay duqeyn dhanka Cirka ah oo uu Ruushka sheegtay Bishii hore hayeeshee ay kooxda muddo ka gaabsaneysay.

Hoggaamiyaha cusub ee Kooxda Daacish waxaa lagu magacaabaa Mohamed Ben Salem Al Ayouni balse gudaha kooxda Daacish looga yaqaan Jalaludiin Al Tunisi.

Jalaaluddiin, waxaa uu sidoo kale haystaa dhalashada Dalka Frnace oo ka mid ah Waddamada Yurub ee ay ka baxaan Dhallinyarada ugu badan ee u dagaallama Daacishta Ciraaq iyo Syria.

Sida ka muuqata magaciisa waxaa uu ka soo jeedaa dalka Tunisia ee Qaaraddan Afrika,waxaana u dheer dhalashada France waxaana lagu beddelay hoggaamiyihii hore ee Kooxda Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Daacish ayaa 2014-kii looga dhawaaqay magaalada Mosil ee Waqooyiga Dalka Ciraaq,waxaana Magaaladaas gacanta ku dhigay Ciidanka Ciraaq bishan gudaheeda kaddib 9 bilood oo uu socday dagaal u dhaxeeya Dowladda iyo Xulafadeeda iyo Ururka Daacish.

TV-ga Al Sumaria oo soo xiganaya ilo ka tirsan Daacish ayaa baahiyay geerida Baqdaadi, waxaana ay qarinayeen muddo ka badan 10 Maalmood.

Wasaaradda Difaaca Dalka Ruushka ayaa sheegtay in Abuubakar ay ku dishay duqeyn ka dhacday Xarunta Daacish ee Raqqa oo hadda uu saaran yahay guluf dagaal.

Hoos ka Dhageyso Codka:-