DHAGEYSO:- Diyaardaha dagaalka Kenya oo maanta Duqeeyay deegaanka Kabis oo ka tirsan gobolka Gedo.

0

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Kabis oo ka tirsan Gobolka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan in lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Duqayntan ayaa la sheegayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo Maamulka Gobolka Gedo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa ay wateen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, inkastoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in Diyaaradahaasi duqeynta gaystay ay ahaayeen kuwa dalka Kenya laga leeyahay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 40 ruux oo isugu jira Saraakiil iyo askar Shabaab ka tirsan.

Wuxuu sheegay in la dilay saddex ruux oo ajaanib ah oo mid ka mid ah uu yahay Cadaan, halka labada kalena uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa Afrikaan Madow ah.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in la beegsaday goobtaasi ay ku shirayeen Saraakiisha Al Shabaab, waxaanan jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaysa Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Dhinaca kale Degaanka Kabis ayaa wuxuu ku dhaw yahay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, waana deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo Shabaab weli kama aysan hadlin duqeyntaan culus ee maanta lagula beegsaday degaanka Kabis ee Gobolka Gedo.

HOOS KA DHAGEYSO