DHAGEYSO:- Maamulka HirShabeelle oo Ciidamo dhex dhexaadin ah u diray beelo ku dagaalamaya Gobolka Sh/Dhexe

0

Maamulka HirShabeelle oo Ciidamo dhex dhexaadin ah u diray degaanka Buulo Yareey oo u dhaw Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe oo uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya labo Maleeshiyo beeleed.

Ujeedka Ciidamadaan loo diray ayaa ah iney kala dhex galaan Maleeshiyaadka ku dagaalamaya degaanka Buulo Yareey.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe Jeelle Maxaas Jiimbaar ayaa sheegay in ay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay ee dagaaladaasi lagu joojinayo.

waxa uu sidoo kale sheegay in aysan macquul ahayn in dagaalka uu sii socda islamarkaana dhiig badan uu ku daato halkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-