DHAGEYSO: Puntland oo amaro ka soo saartay diidmada lacagta Sh. Soomaaliga

0

C/laahi Nuur-qaal oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegay amar dowladeed in ay tahay in la qaato lacagta Puntland, wuxuuna amarkaas dul dhigay shacabka Puntland.

Ganacsatada reer Puntland ayuu uga digay in ay diidaan lacagta Puntland, cidii diida lacagta ayuu sheegay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland C/laahi Nuur-qaal ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin gobol lacag aanay oolin oo Puntland ka tirsan, cidii lacag gobol kale u qaadana ay ka qaadi doonaan talaabo adag.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay qaataan lacagta puntland, cidii ka dhega adeegtana in ay ka qaadi doonaan talaabo taariikh noqota.

Qaar ka tirsan gobolada dalka ayaa maalmahan waxaa ka jirtay xaalad cakirnaan ah, taasi oo la xiriira sicir bararka, waxaana magaalooyinka qaar ka dhacay Banaanbaxyo looga soo horjeedo arrimahaasi.