DHAGEYSO: Shirweyne Qaran oo maalinkii labaad ka socda Kismaayo iyo war murtiyeed laga soo saarayo gaba gabada

0

Shirweynaha Qaran ee looga hadlayo isgaarsiinta dalka ayaa maalinkii labaad waxa uu ka soconayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladd goboleedyada dalka ka jira iyo xubno kale.

Shirkan waxaa looga hadlayaa hindise sharciyeedka isgaarsiinta Dowladda Federaalka, sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkan bilowgiisa ka hadashay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Yarow Isaaq ayaa sheegay shirkan in uu ku saabsan yahay wadatashi, kaasi oo daba jooga shir horey u dhacay.

Gelina dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirkan, waxaana la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirkan.