DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

0

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud halkaasoo ay shalay ku Dagaalameen Ciidamo taabacsan Ahlusuna Waljameeca iyo Dadka Deegaan Xeraale kaaso uu ka dhashay khasaaro kala gaaray labada dhinac ee Dagaalamay.

Xaaladda Xeraale ayaa saaka ah mid xasiloon mana jiro Wax Dagaal ah oo socda in kastoo mar mar la maqlaayo dhaqaq Rasaas Wariyaha Warbaahinta Qaranka ayaa sheegaya in Deegaanka Xaaladisu saaka tahay mid degan waxaana wali lagu howlan yahay la tacaalida dhaawacyadii ka dhashay Dagaalkii shalay.

Cabdikariin Bulxan ayaa sheegay inay jiraan baaqyo kala duwan oo kasoo baxaaya Odayaasha, waxgaradka Deegaanka iyo maamulka Galmudug taas oo lagu dalbanaayo joojinta Dagaalka Xeraale.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO