DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay xaalada Degaanka Xeraale oo shalay ay Dagaalo ka dhaceen

0

Xaalada degaanka Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta ah mid degan, marka laga reebo Rasaas goos goos ah oo saakay laga maqlayay goobtii uu ka dhacay dagaalka.

Wariyaha Risaala ee Gobolka Galgaduud C/qaadir Guure ayaa soo sheegaya in weli ay is horfadhiyaan dhinacyadii Dagaalamay, oo kala Ciidamo ka tirsan ururka Ahlusuna iyo dad degaanka ah.

Sidoo kale Wariyaha Risaala ayaa yiri “Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii shalay waxa ay gaarayaan 25 ruux, kuwaasi oo la soo gaarsiiyay goobaha caafimaad ee Caabud-waaq, Cadaado iyo xarunta gobolka Galgaduud”.

Dadka degaanka qaarkood oo ay la xiriirtay Risaala ayaa sheegay in ay qabaan cabsi iyo feejignaan dheeri ah, taasi oo la xiriirta in markale halkaasi uu ka bilowdo dagaal, ayna ku dhow yihiin in ay barakac sameeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka taagan agagaarka deegaanka Xeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Farmaajo oo ka hadlayey tallaabooyinka deg-degga ah ee ay dowladdu qaadayso ayaa yiri “Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.”