DHAGEYSO WARBIXIN:- Maxay ku soo kordhiyeen Gobolka Banaadir Haweenka Gudoomiyeyaasha laga dhigay?

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed ayaa 6dii May, ee Sanadkan magacaabay 15 Guddoomiye degmo oo 5 ka mid ah ay Haweenyihiin,sidoo kale Guddoomiyaha waxaa maamulkiisa sare ee Gobolka kula jira labo Haween ah.

Degmooyinka loo magacaabay in ay Haweenka Guddoomiyaan waxaa ka mid ah; Shibis, Warta- Nabadda ,Shingaani , Boondheere iyo degmadd Waabari.

Safiya Sheekh Cali Jimcaale oo ah 41 jir,waxaa ay Guddoomiye ka tahay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay ka timid Ingiriska, waxay ka warrantay waxa ay iyada la tahay in ay ka qaban karto Degmada Shibis iyo sidoo kale Haweenka iyada la midka ah ee loo magacaabay  qaar ka mid ah Degmooyinka kale ee Gobolka.

HALKAAN KA DHAGEYSO