DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Kulan deg deg ah oo laga yeeshay dagaal Ka dhacay Degmada Balcad iyo go’aamo Culus oo ka soo baxay

0

Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa haatan bilaabay waan wan ku aadan in xal laga gaarao dagaal beeleedyo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaanka buulo Yareey oo u dhaxeeya degmada Balcad iyo Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Maamulka degamda Balcad Jeele Maxaas Jiimbaar ayaa waxa uu sheegay in dagalkaas oo geestay khasaaro nafeed ay haatan bilaabeen in ay kala dhexgalaan.

Waxa uu sheegay in degmada Balcad lagu qabtay kulan deg deg ah oo looga hadlayay sidii dagaaladaas loo joojin lahaa.

Sikastaba xiisadii dhalisay Gacan ka hadalka ayaa weli ka taagan deegaanka Buulo Yareey,waxana mid ka mid ah Odayasha Dhaqanka deegaanka Buulo Yareey ayaa ku eedeeyay dagaalkaas in uu ka qeyb qatay Ciidamo uu watay gudoomiyaha degmada Balcada Cismaan Maxamed Xaadoole.walow uusan ka jawaabin Gudoomiyaha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-