DHAGEYSO WAREYSI:- Xildhibaan xog badan ka Bixiyay sida uu Xasaasi u yahay Kulanka Baarlamaanka Maanta

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho waxaana ay ka hadli doonaan qodobo dhowr ah.

Qodobada ay maanta ka doodi doonaan Xildhibaanada ayaa waxaa ka mid ah Go’aankii Maxkamadda Sare dalka kaa soo ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay maanta go’aan ay ka qaadan doonaan in dib loogu noqdo Doorashada Xildhibaanadaasi iyo inkale.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Xildhibaanada ay ka doodi doonaan qodobo dhowr ah oo horyaalla.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa amartay in dib loogu noqdo Doorashada 8 Xildhibaan oo lagu eedeeyay in ay kusoo baxeen qaab ka baxsan Sharciga.

HALKAAN KA DHAGEYSO