DHAGEYSO:- Wiil 10 jir ah oo maydkiisa laga helay badda Geellaq ee Xamar Weyne.

0

Maydka Wiil yar oo badda ay soo tuftay ayaa laga helay Xeebta Geel Laq ee Degmada Xamar weyne sida uu xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar weyne.

Xasan Duulane Xersi Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar weyne, ayaa sheegay Wiilkaasi oo illaa hadda aanan la aqoonsan maydkiisa inay geeyeen Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID.Taliyaha ayaa sheegay da’da wiilkaasi inay ku qiyaasayaan 10 sano jir, cidii uu ka maqan yahayna ay tagaan xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed, maadaama aanan la garaneyn magaca wiilkaasi iyo ehelkiisa intaba.

“Qofkii uu ka maqan yahay wiilkaasi maydkiisa Booliska ayaa gacanta ku haayo Finijeer ayaan galinay, CID ha tagaan Waalidiinta caruurta ay ka maqan yihiin.” Ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale Xasan Duulane Xersi Taliyaha Saldhiga Booliska Xamar weyne, ayaa intaasi ku daray Waalidiinta Somaliyed inuu fariin u diraayo, taasi oo ah in caruurtooda ay ceshtaan si aysan badda ugu dhicin, maadaama qatar badan ay ka jirto badda.

Isku soo wada duub oo Caruur badan oo waalidiintooda ka soo dhuunta ayaa taga Badda si ay ugu dabaashaan, waxaana xilliyada qaar caruurtaasi ay la kulmaan inay ku dhintaan badda, iyaga oo aan waalidkooda ka warqabin.

HOOS KA DHAGEYSO