DHAGEYSO:- Xiisadii Ka Taagneed M/Gaalkacyo Ee Diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga oo Xal Laga Gaaray

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa diidmada lacagta shilinka Soomaaliga taas oo saameyn ku yeelatay Ganacsatada iyo waliba dadka caadiga ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka degamda Gaalkacyo qeybta Puntland iyo Ganacsatada Waqooyiga Gaalakcyo iyada oo la isku racay in la qaato lacagta shilinka Soomaaliga ah ee horay loo diiday.

Xogheyaha dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland Dalmar Maxamed Cali oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahiyay qodobadii ka soo baxay kulankii dhex maray maamulka degamda iyo Ganacsatada Gaalkacyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO