DHAGEYSO: Xildhibaano uu horkacayo Jeesow ka hadlay Dagaal beeleedyada Hirshabeelle

0

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda degaanada Hirshabeelle ayaa waxa ay ka hadleen Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degaanada Hirshabeelle iyo arrinta ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Faadumo Qamar oo laga soo doortay degaanada Hirshabeelle ayaa waxa ay ka hadleen arrinta Miisaaniyadda, waxaana ay Dowladda Federaalka ugu baaqeen in maamul goboledyada si siman wax loogu qeybiyo.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate iyo Xildhibaan Dahabo Suusow oo iyaguna ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaal beeleedyada ka socda degaanada Hirshabeelle.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle ayay ugu baaqeen in ay dhexgalaan dadka walaalaha ah ee dagaalamaya, si aysan u badan dhibaatada iyo khasaaraha ka dhasha dagaaladaasi.