DHAGEYSO:- Go’aano Culus oo ka soo baxay Maamulka Degmada Deyniile

0

Maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay mamnuuceen Gawaarida waaweyn ee Xamuulka qaada in ay degmadaaas soo dhex maraan kuwaas oo ka yimaada qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Cabduweli Nuur Faarax ayaa sheegay in Gebi ahaanba ay mamnuuceen in Gawaaridaas ay soo maraan degmada deyniile ka dib markii ay badatay in Gawaarida Waaweyn ee mararka qaar qaraxyada ka sameeya Muqdisho la sheego in ay deyniile soo mareen.

Waxa uu sheegay in Gaarigii la arko ee Weyn isaga oo soo maraya degmada deyniile in ay geynayaan Ex Koontirool Afgooye si baaritaano loogu sameeyo ka dibna uu usoo galo Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ka Maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka Shaqeeyaan amniga degmada Deyniile iyo Guud ahaan Gobolkaan Banaadi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-