DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Fariin Culus u diray Madaxweynaha

0

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in ay burbursan yihiin Xarumihii Hay’addha Garsoorka Dalka ay ku shaqeyn lahaayeen.

Waxa uu sheegay in la dayacay Xarumihii Hay’addaha Garsoorka Dalka isla markaana Dowladda aysan ahmiyad siin dib u dayactirka Xarumaha.

Waxa uu sheegay in aysan awood u lahayn in ay la tartamaan Hay’addaha Garsoorka ee dowladdaha Caalamka.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in dib u dhis iyo dib u habeyn lagu sameeyo Garsoorka dalka si uu ula jaan qaado Caalamka iyo dunida Cusub.

Waxa uu Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dib u dhis weyn loogu sameyn lahaa Xarumaha Hay’addaha Garsoorka Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-