TOP NEWS:- Howlgallo Culus oo ka socda Magaalada Garoowe

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Garoowe.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaaladaasi.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Garoowe.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Magaalada  ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa horay u sheegay in ciidamada Ammaanka ay sii waddayaan howlgallada inta  loo soo qabqabanaayo kuwa lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.