Ku dhowaad 1300 qof oo Codsaday 7 jago oo ka banaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo Sababta oo la ogaaday

0

Dad shaqo-doon ah oo ku dhow 1300 qof ayaa codsaday 7 jago oo ka bannaaneyd Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shaqooyinkan oo lagu xayeysiiyay warbaahinta ayna mushaarkeeda bixineyso Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa ka koobneyd 6 Agaasime Waaxeed iyo Xoghayaha guud ee Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Hay’adda  UNPD ee howshan waday ayaa laga soo xigtay in 1290 oo qof ay codsadeen jagooyinkaasi,  iyadoo laga soo reebay liiska u danbeeya ay soo galeen 61 qof oo kaliya, balse imtixaan maanta ay u fariisteen dadkaasi ay soo xaadireen 42 qof.

Tallaabada labaad ayaa noqon doonta in laga xulo 24 qof, kadibna wareysi shaqo lagu sii kala xulo iyadoo laga qaadanayo 7-da qof ee loo baahan yahay. Arrintan ayaa muujineysa shaqo la’aanta ba’an ee ka jirta dalka.