DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Gedo oo ku dhawaaqay qorshe Halis ku ah Al-Shabaab

0

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabaya howlgalo Al-Shabaab loogu saarayo guud ahaan degaanada ay hada kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaal diyaarinta Ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa Gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in ay Weeraro joogto ah ku qaadaan degaanada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ay xoojinaya howlgalada ay sameynayaan iyo Weerarada ay ku qaadayaan degaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in aysan joojin doonin dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab inta amni buuxa laga helayo.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin degaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Gedo, waxa ay mararka qaar Weeraro ku qaadaan Xarumaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Kenya ay ku leeyihiin Gobolkaasi.

Sidoo kale diyaaradaha dagaal ee dowladda Kenya ayaa duqeymo waxa ay u geystaan degaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-