Madaxweynaha Faransiiska oo Talooyin Muhiim ah siiyay Maamulka Yahuudda iyo Arrin oo ay ku heshiiyeen

0

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Maamulka Yahuudda kula taliyay in uu joojiyo deegaamaynta uu dadkiisa uga samaynayo dhulka Falastiiniyiinta, ee Yahuuddu xoogga ku haysato.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in amniga Maamulka Yahuudda uu ku jiro, iyadoo la helo laba dal oo deris ah, oo si nabad ah ugu wada nool Bariga Dhexe, taasina lagu heli karo, iyadoo Maamulka Yahuudda ka gudbo gardarada uu ku hayo Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Faransiiska oo Axadii Magaalada Paris ku qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Yahuudda, Benjamin Netanyahu, ayaa u sheegay sida Faransiisku uu kaga soo horjeedo dhul boobka uu maamulkiisu ka wado dhulka Falastiiniyiinta.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska, ayaa si adag u sheegay in cid kasta laga doonayo in ay ixtiraamto buu yiri qawaaniinta caalamiga ah.

Madaxweyne Macron, ayaa dhanka kale ku baaqay in dib loo soo celiyo wada hadaladii nabadda ee u dhaxeeyay Falastiin iyo Yahuudda.

Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu oo ka barbar hadlayay Madaxweyne Macron, oo si wadajira ay shir jaraa’id ugu qabteen Caasimadda Faransiiska, ayaa kooxaha Islaamiyiinta ku eedeeyay in ay doonayan inay burburiyan Yahuudda iyo weliba Yurub, sida uu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu Madaxweynaha Faransiiska uga mahadceliyay sida uu uga soo horjeedo Yahuud naceybka, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Yahuudda, ayaa dhibaato baahsan oo ka dhan ah shacabka reer Falastiin ka wada deegaanada ay gumeysiga ka wadaan, waxaana muuqata in dunidu ay indhaha ka sii jeedisay.