DHAGEYSO:- Maxaadan ogeyn oo Xalay ka dhacay Magaalada Buula Burde?..

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo ciidanka Jabuuti.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Buulo burde.

Dagaalka oo dhacay xalay ayaa la sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Shabaabka laga dilay laba askari, sida uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Degmada Buulo burde.

Sarkaalkaan ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay qayb ka ahaayeen dagaalka, wuxuuna sheegay inay ka hortageen qorshe Shabaabka ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidanka Jabuuti.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Buulo burde ayaanan weli ka hadlin dagaalkaan ka dhacay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay in Buulo burde ay tahay xarunta Taliska ciidamada Maamulka Hirshabelle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-