Muslimiinta Dalka Mareykanka oo Arrin Cajiib ah la tusay

0

Maxkamad ku taal magaalada San Jose ee Gobolka California,Mareeykanka ayaa 16 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu helay inuu si kas ah u dilay Mukulaal.

Ninka Falkaan geystay oo lagu magacaabo Robert Farmer da’diisana lagu sheegay 26 jir, ayaa lagu helay inuu six un u ciqaabay dabadeedna dilay Mukulaal.

Robert Farner, ayaa falkaan geystay sanadkii 2015, Bishii Oc. 8-deeda, waxaana markii la qabanayay Booliska soo qabteen isagoo ku dhex hurdaya Gaarigiisa, sidoo kale waxaa dusha Gaarigiisa laga helay qeyb kamid ah Mukulaasha uu dilay oo jarjaran.

Robert Farmer, ayaa waxaa muuqaal ka duubay Kaamiro ku xirneyd meel u dhow goobta uu falka ka dhacay, waxaana Mukulaasha uu dilay da’deeda lagu sheegay 16 sano.

Goobta ay ka dhacday Maxkamadeynta Robert Farmer, waxaa goobjoog ahaa Haweeneyda iska lahayd Bisadda la dilay, waxeeyna aad usoo usoo dhaweysay go’aanka Maxkamadda.