TOP NEWS:-Sarkaal Caan ah oo Baladweyne lagu dilay iyo Howlgalo Culus oo socda

0

Waxaa Xalay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka, ka dib markii ay toogasho ku dileen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Raggan, ayaa waxaa la sheegay in xaafadda Hawlwadaag ay ku weerareen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Saalax Xasan Madaxey, iyagoona dilka ka dib goobtaasi ka baxsaday.

Waxaa soo baxaya warar sheegay in Saalax Xasan Madaxey uu ka tirsanaa Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida (NISA), lana dilay xilli uu hoygiisa ku sii jeeday.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ragga weerarka gaystay ay horey goobtaasi uga sii qaateen qori AK47 ahaa, oo uu askarigu watay.

Goobjoogaha oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa inoo sheegay in Ciidamada Dowladda ay dilka ka dib soo gaareen goobtaasi, balse aanay jirin cid ay u soo qabteen dilka ninkaasi.

Sida ay baahisay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka mintidiinta Al Shabaab waxaa weerarkaasi gaystay rag ka tirsan Al-Shabaab.

Andalus, ayaa ku warantay in Saalax Xasan uu dhibaato ku haayay bulshada deegaanka, maleeshiyaduna ay ku khasbanaatay in ninkaasi laga horleexiyo dadka deegaanka.