SAWIRRO:- Soomaalida Kentucky oo u dabaaldagtay Maalmaha xoriyadda.

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Kentucky ayaa si quruxbadan u soo bandhigay munaasabd lagu maamuusayay Maalmaha xoriyada Soomaaliya.

Xafladan oo ay soo abaabuleen ururka Dhalinyarada Soomaalida Louisville waxaa ka soo qeybgalay qeybaha bulshada iyada oo mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliyeed ay ka hadleen.

Intabaddan dadkii ka hadlay xaflada ayaa ahmiyada maalmaha xoriyada si weyn ugu dheeraaday waxayna si gaar ah diirada u saarayeen muhiimada ay dhalinyarada qurbaha ku koray ay maalmahani u leeyihiin si ay u ogaadaan in ay leeyihiin dal Xor ah balse dunida ka dibdhacay kadib dagaalo iyo qax dadkiisa la soo darsay iminkana ka soo kabsanaya.

Waxgarad iyo aqoonyahan baddan ayaa tusaale iyo Taariikh dheer ku soo qaatay halgankii iyo halka maanta la joogo iyaga oo dhalinyarada u iftiimiyay in guusha Xoriyadda Soomaaliya ay dhalinyaro keentay sidaa darteedna dhalinyarada looga fadhiyo isbadal.

Waxaa xaflada kaalinmuuqada ka qadanayay fanaaniin Soomaaliyeed iyo Abwaano soo bandhigay suugaan nooc walba.

Magaalada Louisville ayaa waxa ay ka midtahay magaalooyinka ay ku noolyihiin Soomaalida mareykanka waxayna halkaasi ka hirgaliyeen xarumo Ganacsi, iyo goobo kala duwan oo soomaalida muhiim u ah waxayna leeyihiin Jaaliyadd u adeegta iyo ururo dhalinyaro.