Sheekh Soomaalida caan ka ah oo isku soo sharaxay inuu qabto Xilka Hogaamiyaha Guud Ee Daacish

0

Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu damacsan yahay inuu badalo hogaamiyaha Kooxda isku Magacowday Khilaafada Islaamka Abuubakar Al-bagdaadi oo la rumaysan yahay inuu duqeyn ku geeriyooday.

Sheekh Cabduqaadir Mumin oo ah Hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu isku soo Sharaxay qabashada Xilka Hogaamiyaha Guud ee Daacish.

Kooxda Daacish ayaa Fariisimo ku leh meelo ay ka mid yihiin Buuraleyda-galgala,waxaana ay Soomaaliya ka fuliyaan Weeraro isugu jira Qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan.

Wargeyska Daily Star ee ka soo baxa Wadanka Ingiriiska ayaa Daabacay in Sheekh C/qaadir Muumun Hogaamiyaha Daacish Faraca Soomaaliya uu isku soo taagay Qabshada Hogaamiyaha Guud ee Kooxda Daacish.