TOP NEWS:- Shirka Wasaaradaha Ciyaaraha Federaalka iyo D.Goboleedyada oo ka furmaya Garoowe

0

Shir ay isugu imanayaan Wasiirrada Wasaaradaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in uu dhawaan ka furmo Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi uu ka mid yahay shirarka joogtada ah ee ay yeeshaan Wasaaradeeda iyo wasaaradaha hoostaga ee dowlad Goboleedyada.

Ujeedada Shirkaas ayey Wasiirad Khadiija ku sheegtay in ay tahay in la helo Qorshe mideysan oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo CIyaaraha Federaalka horseed ka tahay islamarkaana ay u noqoto iridda loo soo maro Wasaaradaha Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedyda.

Waxaa ay intaas ku dartay in ay doonayaan in ay isku raacaan qorshe mideysan oo fududeynaya in Hay’adaha taageera Wasaaradaha Ciyaaraha Soomaaliya ay ku heli karaan waddo ku filan oo ay uga soo hagaagaan.

Shirkan mid la mid ah aya ahoray uga dhacay Magaalada Muqdisho,waxaana Wasaaradaha Dhallinyarada iyo CIyaaraha Dowladda Federaalka iyo Dolwad Goboleedyada ay isku raaceen qorshe howleedka Wasaaradaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.