TOP NEWS:- Sirdoonka Mareykanka “Imaaraadka ayaa jabsaday wakaalada wararka Qatar, Waana lala Xisaabtamaya”

0

Sida uu saakay baahiyay wargeyska Washington Post ee Mareeykanka kasoo baxa, Saraakiil katirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa shaaciyay in Imaaraadka ay jabsadeen wakaalada wararka dalka Qatar ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (Qana), taasoo sababtay Khilaafka soo kala dhex galay wadamada Khaliijka.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakisha ayaa qoray in 24-kii bishii May la qabsaday wakaaladda wararka Qatar, kadibna lagu daabacay hadallo loo tiriyey amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani, oo uu ku ammaanayo Iran iyo ururka Xamas, kuwaasi oo qiil looga dhigtay in xiriirka loo jaro Qatar.

Warbixinno ay soo ururiyeen sirdoonka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in madaxda Imaaraadka ay 23-kii May ka doodeen arrintan, si qiil loogu raadiyo in xiriirka loo jaro dalka Qatar.

“Imaaraadka haba yaraatee wax lug ah kuma lahan afduubkan Internet ee la sheegay, balse waxaan shaki ku jirin in Qatar ay maal-geliso argagixisada” ayuu yiri.

Si kastaba, warbixintu waxay sheegtay in weli aysan kala caddeyn in Imaaraadka ay si toos ah ugu dhaqaaqeen afduubkan internet, ama ay adeegsadeen shirkado u fuliyo, hase yeeshee ay caddahay in qorshahan ay ayaga lahaayeen.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Washington DC, Yousef al-Otaiba, ayaa si kulul u beeniyey in dalkiisa uu ka dambeeyey arrintan.