Tallo Wanaagsan:- Sow ma haboona in xasaanada laga qaado Xildhibaanada qaran dumiska ah?

0

Asc soomaaliweyn.

Waxaa ila haboon in sharafta (xasaanada) laga qaado laguna sameeyo dabagal iyo baaritaan joogtaa dhamaan xildhibaanada caadeystay dhabarjabinta iyo is hortaagida horumarka lagu doonayo soo celinta madax banaanida iyo kala danbeynta qaranimad Soomaaliya ee ay ka midka yihiin xildh. Cabdirashiid Xidig, xildh. Fiqi, xildh. Cabdiraxmaan Odawaa, xildh. Mahad Salaad iyo xildh. Jawaari.

Waxaa ayaan daro ah in ay dhex fadhiyaan golaha sharci dajinta codna ku yeeshaan ayna mushaar u qaataan cashuurtii shacab laga soo uruuriyey xindhibaanada caadeystay dabadhifnimada iyo u adeegida cadowga Soomaaliya, ku danaysiga awooda shacabka ay matalaan, ku daneysiga iyo boobka hantida shacabka, curyaaminta hawlaha ummadda loo qabanayo, ku dhaqmida qabyaalada fooshaxun, dagaal ooganimada, barobagaandada iyo been abuurka joogtada ah.

Miyaanay xildhibaanadaasi kusifoobin qaran dunisnimo “be trayers, double dealers”?

Maxaa loo dhawranayaa daalimiinta noocaasi ah ee qaranimadeena dhulka ku jiidaya?

Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tashadoo aan takoorno kii na gatee tuhun xumaan fidiyaa!

Wa billaahi towfiiq

Suldaan Cabdulcasiis Maxammed Ciisadheere (Shaaciye)
Tel: +46767131933