TOP DHAGEYSO:- Ahlusuna Oo Sideed Qodob Ka Soo Saartay Dagaalkii Deegaanka Xeraale

0

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca ayaa Maamulka Galmudug ku eedeeyay in ay qeyb weyn ka qaateen dagaalkii Ciidamada Ahlusuna iyo Maleeshiyo deegaanka ah ku dhexmarayay labadii Maalmood ee la soo dhaafay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Madaxa Warbaahinta ee Maamulka Gobolada Dhexe Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula,ayaa Akhriyay War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna.

1:- Iskudhac lab Jufo oo wada degta degmada Xeraale kaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac,waxana abaabulay maamulka Galmudug uu fadhigiisu yahay M/Cadaado

2:- Maaamulka Gobolada Dhexe waxaa u yimid Odayaal dhaqan kuwaas oo doonayay in laxaliyo iskudhaca labada Beelood balse waxaa Ciidamadii uu u dairay kahor yimid Maleeshiyad uu soo abaabulay Maamulka Galmudug.

3:- Kooxihii uu soo abaabulay maamulka Galmudug ayaa soo weeraray Ciidankii sugayay amniga Gogoshii Nabadeed ee taalay deegaanka xeraale,iyaga oo dilay Askari kuwo kalena ku dhaawacay.

4:- Maamulka Galmudug ayaa Gaadiidka dagaalka usoo diray Xeraale,iyaga soo sidoo kale Warbaahinta ka sheegay hadalo colaada sii hurin karay oo ay ka mid aheyd in Xeraale laga saaro Ciidamada Maamulka gobolada Dhexe.

5:-Galmudug waxay deegaanka Xeraale iyo tuuloyinka hoostaga ka sameeyeen falal lidi ku ah amniga iyaga oo dhiirageliyay Cadawga Al-Shabaab.

6:- Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe waxa uu ku dadaalayaa Nabadeynta dadka wada dega deegaanada Xeraale iyo Godinlabe oo ah dad walaalo ah.

7:- Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe waxan uu ugu baaqayaa Odayasha Dhaqanka ee labada beelood in ay Miiska wadahadalka wax walba ku dhameeyaan.

8:- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa looga digayaa in aan loo adeegsan Ciidamada Qaranka la dagaalanka Maamulkii Al-Shabaab ka xureeyay gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

HALKAAN KA DHAGEYSO