TOP DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo Saxiixday Heshiis Lagu Kordhinayo Dhoofinta Xoolaha

0

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorsho ay ku kordhisay dalka Sacuudiga dhoofinta Xoolaha dalkeena Soomaaliya mudo dhowr Sano ah kadib.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Dr Sheekh Nuur Maxamed oo Maanta Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalo mudo u socday iyaga iyo dowladda Sacuudiga lagu guuleestay in dalka Soomaaliya laga dhoofiyo(Hal Milyan iyo Boqol Neef) oo Ari ah.

Sidoo kale waxa uu Shirkiisa Jaraa’id Wasiirku ku sheegay in Wasaaradau ay ka qeyb qadan doonto kobcinta dhanka dhaqaalaha si looga gudbi waxyaabihii ay sababeen colaadii ka dhacday dalka Soomaaliya si dalkeena uu uga mid noqdo dalalka kale ee dunida Nolosha Wanaagsan ka heesta.

Ugu dambeen waxa uu sheegay in weli Wasaaradu ay wado dadaalo ay ku dooneyso in la kordhiyo Xoolaha nool ee loo dhoofinayo dalka Sacuudiga.

HALKAAN KA DHAGEYSO