TOP DHAGEYSO:- Wafdi ka socda Xukuumada Somalia oo gaaray Garoowe

0

Wafdi culus oo ka socday dowladda federalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa soo saaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wafdigaan ayaa maalinta berito ah Garowe uga qeyb gelidoono shir weyn oo looga hadlayo homarumarinta mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed. Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaysay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ku simada wasiirka shaqada, shaqaalaga iyo dhalinyarada dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle, ayaa sheegay shirkaan ay qabandoonaan inuu daba socdo shirar ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.

Wuxuu sheegay in si aad ah loo lafo guridoono mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidii wax laga isaga weydiin lahaa caqabadaha haatan ku xeeran.

HALKAAN KA DHAGEYSO