TOP NEWS:- Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta u xukuntay Yuusuf Uunlaaye iyo Ibraahim Uunlaaye gurigooda oo 27 sano xoog looga heystay.

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku wareejisay Yuusuf Maxamed Ibraahim Uunlaaye iyo Ibraahim Maxamed Ibraahim Uunlaaye guri muddo 27 sano xoog looga heystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh C/llaahi ayaa sheegay Maxkamadda markii ay aragtay warqada milkiyada Ibraahim Uunlaaye oo aheyd warqad waqaf ah oo lagu wareejiyay wiilasha agoonta ah ay u cadaatay inay tahay waqaf sharciga islaamka ah, ayna u xukuntay wiilashaas, kuna wareejisay guriga.

Waxaa uu sheegay in Guriga hadii la dhaho waqaf aan la iibin kari ama qof loo hibeyn karin, illaa ay ka dhaxlaan carruurtooda, isagoo xusay arrintan ay tahay tallaabo horay loo qaaday oo dhinaca dib u heshiisiinta in dad guryahooda ka maqan lagu wareejiyo.

Taliyaha qeybta Booliska ee Bartamaha ayaa sheegay in cid kasta oo si sharci darro ku degan guri aysan laheyn, ay ka qaadayaan tallaabo sharci ah.

Guriga ay Maxkamadda ku wareejisay qoyskan ayaa ku yaalla nawaaxiga Bacadlihii hore ee degmada Xamar weyne.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaadeysay dacwadaha la xiriira dhulka iyo guryaha la kala heysto.