WAR CUSUB:- Dowladda oo sheegtay inay Amisom ka guureyso Garoonka Stadium Muqdisho

0

Xukuumadda Somaliya, ayaa waxay sheegtay in uu socdo qorshe Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika uga guurayan Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Somaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa waxay sheegtay in qorshaha Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, uu qayb ka yahay in Amisom laga saaro Garoonka Stadium Muqdisho.

Wasiiradda, ayaa waxay intaa ku dartay in wejigii hore ee qorshahan Amisom laga saaro xarumo ay deganeyd, ka bixistii Amisom ee Jaamacadda Gahayr-na ay bilow u ahayd wejiga labaad ee qorshahan.

Wasiiradda oo la hadashay Idaacadda Mustaqbal, ayaa xustay in la diyaariyay ciidan boolis ah oo la wareega amniga Stadium Muqdisho, kolka ay isaga guuraan Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha, ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre kaga mahadcelisay go’aankiisa ku aadan in Amisom laga gaaro Garoonkan.

Saraakiisha Amisom, ayaa waxay marar badan ku celceliyen in ay isaga baxayan Garoonka Stadium Muqdisho, oo ay saldhig ciidan ka samaysteen bartamihii sanadkii 2011-ka.

Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Amisom, ayaa 11-kii bishan ka guuray Dhismaha Jaamacadda Gahayr, ka dib tan iyo 2007-dii oo xero ciidan ay u ahayd.

Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe ee Somaliya, Amb. Michael Keating oo ka hadlay ka bixista Amisom ee Jaamacadda Gahayr, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay ciidamadu wareejiyan goobaha bulshada.