WAR DEG DEG AH:- Askar ka tirsan Puntland oo lagu laayay Buuraha Galgala

0

Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland, kadib markii dagaalyahano Shabaab ka tirsan si dhuumaaleysi ah ay ugu soo gaatameen askartaasi.

Askarta la dilay oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ee ku sugan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in rasaas lagu furay, iyaga oo fadhiyay meel difaac ah oo ka tirsan Buuraha Galgala.

Ciidamo ka tirsan Shabaab oo si dhuumaaleysi ah askartaan ugu soo dhawaday, iyaga oo ku gambanaayay dhagxaanta waaweyn ee Buuraha Galgala, ayaa mar kaliya rasaas ku furay ciidamadan geeriyooday.

Rasaastaasi markii ay ku fureen ciidamada ayaa waxaa durba halkaasi ku geeriyooday hal askari, sidoo kalena waxaa dhaawac halis ah meesha looga soo qaaday askarigii kale, waloow uu isagana dhintay markii dambe.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay xilli dambe oo shalay ah inay isku faafiyeen meelo ka tirsan Buuraha Galgala, iyaga oo baadigoobaya dagaalyahanadii Shabaabka ka tirsanaa ee askartaasi dilay.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa ku hanjabay inay qaadayaan hawlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab si looga saaro deeganada ay ka joogaan Buuraha Galgala ee Gobolkaasi.