WAR DEG DEG AH:- Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Horyimid Go’aankii Ay Maxkamada Sare Ku Diiday Doorashadii Sideeda Kursi Ee Golaha Shacabka

0

Kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka socda Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,waxana qodobadii Maanta looga hadlayay ka mid ahaa dood ku saabsan 8,dii Kursi ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay Maxkamada sare horay u laashay Doorashadooda.

Doodheer iyo falanqeyn kadib Xubnaha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday in Xubnaha Golaha Shacabka ee 8,da ah ee Maxkamadu laashay 26,kii Bishii May  iyo Go’aanka laga qaadan karo.

Ugu dambeen Xildhibaanada ayaa Cod aqlabiyd ah ku ansixiyay in Xildhibaanadaas ay yihiin kuwo ansax ah islamarkaana Go’aanka Maxkamada Sare ay ku laashay uusan waxba ka jirin.

WIXII KU SOO KORDHA KALA SOCO ALLGALGADUUD MEDIA