WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Puntland oo Gaalkacyo ku Xir xiray Ganacsato

0

Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta Tiro Ganacsato ah ku xir xiray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ganacsatada la xir xiray ayaa ahaa Sarifleyaal ka shaqeysta Suuqyada Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ay Maamusho,waxaana Xarigooda loo sababeeyay in ay kala sooc ku sameeyeen Lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo Mudooyinkaan laga diidanaa Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Mudug Ee Puntland oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in Ciddii lagu helo iyadoo kala sooc ku sameyneysa Lacagta Shilinka Soomaaliga ah Xabsiga la dhigi doono.

Dadka ku nool Gobolada Dhexe ayaa Mudooyinkii dambe diidayay Lacagta Shilinka Soomaaliga ah,gaar ahaan Lacag la sheegay in lagu Farsameeyay Degaanada Maamulka Puntland.