WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku sii jeeda Gobolka Gedo

0

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa lagu soo waramayaa inuu booqasho ku tagaayo Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo ka mid ah deganada hoostagga Jubbaland.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya inay socoto qaban qaabada ku aadan in Madaxweynaha Jubbaland uu ka dago Magaalada Doolow, kadibna uu sii gudbo deganada Jubbaland ee Gedo.

Ka hor inta uusan Madaxweynaha ka ambabixin Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu ka qayb galayaa shirka dib u eegista Dastuurka oo ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe, ayaa Doolow waxaa kaga soo horumari doonaa Wasiirka amniga Jubbaland iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Meelaha uu booqan doono, ayaa waxaa ka mid ah magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, sida Saraakiisha Jubbaland ay xaqiijiyeen.